Golaha wasiradda oo ansixiyey magacaabista Agaasimaha guud ee Heyadda istaatisiska qaranka

Nov 21  ( Jowhar)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Dr.Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo ku saabsan amniga dalka, keydinta Bacrimiyayaasha Beeraha iyo horumarinta deegyada caafimaadka dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More