Guddiga Arrimaha Dibbada Golaha Shacabka oo doortey guddoomiye cusub

Aug 22(Jowhar)-Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka kadib markii uu cod gacan taag ugaga guuleystey xildhibaankii la tartamayay Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad. .
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa goobjoog ka ahaa kulanka guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka uu ku dooranayay guddoomiyaha cusub ee guddiga.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo doorashada ka dib hadlay ayaa guddoomiyaha cusub ee guddiga kula dardaarmay inuu dardargeliyo shaqada guddiga ,isaga oo dhanka kale xubnaha guddiga ku booriyay in ay la shaqeeyeen.

Doorashada guddoomiyaha cusub ee guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha shacabka ayaa waxaa goob joog ahaa habdhowre kuxigeenada golaha, xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo sidoo kale qaar ka mid ah Guddiyada golaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More