Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo doortay gudoonka guddigaasi

Dec 02  ( Jowhar) Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Soomaaliya oo dhawaan ay ansixyeen labada aqal baaarlamaan ee Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku doortay guddoonka guddigaasi.

Doorashada xubnaha oo ay goob joog ka ahaayeen wasiiro ka tirsan dowladda ayaa xubnaha oo ka kooban 18 xubnood waxay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka iyo xaduudaha u doortay Cabdikariim Axmed Xasan halka guddoomiye xigeena ay u doortay Saaqad Abshir Garaad oo muddo dheer ka mid ahaa xildhibaanada Barlamaanka maamulka Puntland.

Guddigan ayaa la filayaa inay ka shaqayn doonaan sidii dalka ay ugu dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah sida ay dhowr jeer oo hore ay madaxda dowladda Soomaaliya sheegeen.

Guddiga ayaa doortay guddoonkooda iyadoo uu jiro khilaaf siyaasaddeed oo u dhaxeeya Jubalaand, Puntland iyo dowladda federalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More