Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo dalka dib ugu soo laabtay

Aug 29 (Jowhar)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii muddo labo bilood ah uu arrimo caafimaad darteed dalka uga maqnaa.

Cabdi Xaashi guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay inuu caafimaadkiisu haatan wanaagsan yahay uuna u mahadcelinayo dhakhaatiirtii ku soo dadaashay daweyntiisa,

“Muddo labo bilood ah ayaan dalka ka maqnaa Ilaahayna waa igu soo guuleeyay,anigoo fadhiya ayaan dalka ka tagay anigoo socda oo caafimaad qabana dalka ku soo laabtay.”ayuu yiri guddoomiyaha Aqalka Sare.

Waxa uu hadal uu ka jeediyay soo dhoweyntiisa sheegay in uu ku faraxsan yahay in siyaasiyiin wadajir ah ay soo wada dhoweeyeen.

“Dalkeenu ma aha mid lagu baahdo oo qani ah oo adduunka markaa aad fiiriso badda,dhulka iyo xoolaha ee aan weli bani’aadan marna soo saarin,waxaan u baahanahay in Soomaali ay midnimadooda soo celiyaan,”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Cabdi Xaashi guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa garoonka Aadan Cadde waxaa ku soo dhoweeyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mudane Cabduullaahi Cumar Abshirow, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’isul Wasaare ku xigeenkii hore Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Sanatarro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More