Guddoomiyaha Baarlamaanka EAC oo khudbad ka jeediyay Golaha Shacabka

July 24 (Jowhar.com)-Guddoomimiyaha Baarlamaanka Urur goboleedka Bulshada Bariga Afrika Mudane Joseph Ntakirutimana ayaa hadal ka jeediyay golaha shacabka Soomaaliyeed waxaana uu uga mahadceliyay guddoonka iyo xildhibaanadda Golaha Shacabka isaga oo sidoo kale bogaadiyay shaqada uu Golaha Shacabka u haayo dadka Soomaaliyeed.
Guddoomimiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika waxa uu Golaha Shacabka uga warbixiyay sida uu u dhisanyahay Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika iyo howlaha uu qabto, waxaana uu tilmaamay in muhiimadda Baarlamaankan u dhisanyahay ay tahay ka shaqeynta hormarka iyo midnimada wadamada ururka ku jira.

Ugu dambeyn waxa uu bogaadiyay dadaaladii Soomaliya ay ku bixisay ku biiritaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika iyo kaalintii uu baarlamaanka Soomaaliya ka geystay, isaga oo dhinaca kale aad usoo dhoweeyay u diyaar garowga Baarlamaanka Soomaaliyeed ee ku aadan xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Kulanka maanta oo ahaa Kalfadhiga shanaad kulankiisa labaad ee aan caadiga ahayn, waxaa kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow .

Habdhowraha Golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa dhaariyay Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac oo si rasmi ah uga mid noqday xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad kadib markii lagu soo doortay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay Guddoomiyaha baarlamaanka bulshada Bariga Afrika Mudane Joseph Ntakirutiman oo guddoonka iyo xildhibaanadda Golaha Shacabka iyo xildhibaanadda shacabka warbixin ka siiyay howlaha urur goboleedka bulshada Bariga Afrika gaar ahaan baarlamaanka ururkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More