Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Mar 23(Jowhar)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Midowga Afrika, mudane Maxamuud Cali Yuusuf.

Guddoomiyaha Midowga Africa mudane Maxamuud Cali Yuusuf  oo la doortay bilowgii February 2025 ayaa socdaalkiisa ugu horeeyay ku yimid Muqdisho waxaana uu kulamo muhiim ah la qaadan doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre kuwaas oo ka wada hadli doona arrimo muhiim u ah Soomaaliya iyo Ururka Midowga Africa.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale Midowga Africa waydiisan doonta mashaariicda Hormarineed ee uu bixiyo bankiga hormarinta Africa iyo kaalinta midowga Africa ee amniga Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More