Gudoomiyaha Gedo oo amar culus dul dhigay shirkadaha duulimaadyada.
Dec. 12 (Jowhar.com)-Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed (Gareed) ayaa amar culus dul dhigay shirkadaha duulimaadyada, isagoo uga digay iney Muqdisho ka soo qaadaan dad uu ku sifeeyay iney yihiin kuwo aan laga rabin gobolka.
Gudoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa ku nuux nuuxsaday in qof aysan rabin aan si qasab ah loogu keeni karin, isagoo ka digay cawaaqibka xun ee ka dhalan kara.
“Shirkadaha diyaaradaha, annaga iyo dowladdaba nidaam baan ka lahayn, nidaamkaas asaga ahna inuu shaqeeyo weeye, waxaana weeye annaga cid aanan rabin ama gobolkan u diidayno, lama keeni karo,” ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha gobolka Gedo oo wax laga weydiiyay in dadka uu diidan yahay ay yihiin dadka gobolkaasi ka soo jeeda ayaa shaaciyay iney xoogga saarayaan nabad gelyada gobolka oo aaney dooneynin in loogu soo dhex dhuunto.
“Dadku muwaadiniin weeye, waa dad Soomaaliyeed, waana dad xaq u leh inay duulimaadkaas sameeyaan, laakiin wixii ammaan-darro keenayo, waxaan rabnaa in xuduudaha iyo garoonadaba aysan noo imaan baan rabnaa, go’aankaasna go’aan cad buu ahaa.” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Axmed Buulle Maxamed (Gareed) ayaa dhinaca kale ku goodiyay iney shatiga kala laabanayaan shirkadii isku dayda iney jabiso amarkooda.
“Shirkaddii howshaas ayada ah daba marto oo ku xadgudubto, oo aan warbixinta na soo siin, hadde go’aanka aan annaga ku heshiinay wuxuu ahaa inaan ruqsadda kala laabano,” ayuu yiri Gareed.
Si kastaba, xaalado is qab qabsi dhinaca maamulka ah ayaa ka taagan gobolka Gedo kadib geerida taliyihii NISA ee gobolkaasi Bakaal Kooke oo 9-kii bishan qarax ka dhacay duleedka Luuq lagu dilay, ninkaasi ayaa ahaa shaqsiga ugu awooda badan Gedo.