Gudoomiyaha golaha shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Ciraaq

Feb. 24 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.

Wafdigan waxaa garoonka diyaaradaha Baqdaad ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa oo dalkaasi uga qeyb galaya meertada 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta ayaa loo gudbiyey hoyga martida waxaana ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Midowga Baarlamaanka Carabta ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Mudane Muhamed Al-Halbousi.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dhigiisa uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More