Gudoomiyaha golaha shacabka oo kulan la qaatay saraakiisha ciidanka ee xudur ku sugan.

Dec. 13 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka Qeybta 60-aad Guutada 9-aad ee ku sugan degmada Xudur Gobolka Bakool.

Sheekh Aadan Madoobe oo sidoo kale ah kusimaha madaxweynaha dalka ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska ee ku sugan magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ku boggaadiyay sugidda amniga deegaanada iyo dadaalka joogtada ah ay ku bixiyaan la dagaalkan kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu ku dhiirageliyay saraakiisha ciidanka ineysan marnaba ka niyad jabin dagaalka dalka looga xorreeynaayo argagaxisada, ayna feejignaan dheeri ah muujihaan xiliyada oo culeys xooggan la saaray kooxdaasi.

Gudoomiyaha golaha shacabka oo shalay ka degay magaalada Xudur ayaa taageerada bulshada qeybeheeda kala duwan u raadinaya shirka dib u heshiisiinta siyaasiyiinta Koofur Galbeed oo dhawaan la filayo inuu ka furmo magaalada Baydhabo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More