Gudoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay gudiyada doorashooyinka Soohdimaha

Dec 17  ( Jowhar) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ayaa xalay xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaanna Guddoomiyaha Guddiga Cabdikariin Axmed Xasan uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka u faahfaahiyay shaqooyinka guddiga gaar ahaan waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii la magacaabay iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa xubnaha guddiga ku bogaadiyay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, waxaana uu xubnaha guddiga u sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay dalka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah si ay dadka Soomaaliyeed codkooda ugu doortaan hogaanka wadanka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyn xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha kula dardaarmay in ay dardargeliyaan shaqada qaran ee loo igmaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More