Gudoomiyaha hay’ada Maareynta Musiibooyinka oo la kulmay Safiirka Imaaraatka Carabta

Jan. 25 (Jowhar.com)-Gudoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaarada Imaaraad-ka carabta ee magaalada Mogadishu ayey Gudoomiyaha iyo Danjiraha kaga wada hadleen doorka dowlada imaaraad-ka ee la tacaalida arimaha abaaraha iyo mashaariicda horumarinta

Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn dowlada iyo Shacabka imaaraad-ka kaga mahadceliyay garab istaag shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda iyo garab istaagooda shacabka Soomaaliyeed, asigoo si gaar ah kaga codsaday dowlada imaaraad-ka in lagala shaqeeyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku nool goobaha laga xureeyay kooxaha khawaarij-ta

Safiirka Imaarad-ka Carabta ee Soomaaliya anjire Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa u balan qaaday Hayadda Maareynta Masiibooiyinka in ay sii wadi doonaan garab istaag shacabka Soomaaliyeed

Gudoomiyaha ayaa markii uu kulanka dhamaaday ku wareejiyay Danjire Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi warqad mahadnaq ah iyo hadiyad ka turjumeysa dhaqanka wanaagsan ee Shacabka Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More