Gudoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka oo la kulmay madax ka socotay UNDP
Feb. 11 (Jowhar.com-Gudoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin ayaa maanta kula la qaatay madax ka socotay hay’adda UNDP oo uu hoggaaminayay Jocelyn Mason Madaxa UNDP ee Soomaaliya isagoo oga mahadceliyay taageerada hay’adda SoDMA.
Gudoomiyaha ayaa si gaara kaga mahadceliyay dib u dhiska ay UNDP ku samaysay xarunta hay’adda SoDMA.
Sidoo kale shirka ayaa looga hadlay sii xoojinta iyo wada shaqaynta heyadda iyo UNDP si loo xoojiyo awooda SoDMA ee maareaynta masiibooyinka ka dhaca magaalooyinka waawayn iyo miyagga dalka.