Gudoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo gaaray Kismaayo
Jan. 27 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin ka tirsan Hey’adda Qatar Charity iyo Sanduuqa Horumarinta dowladda Qatar ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.
Wafdigan oo ka baxay magaalada Muqdisho waxaa garoonka Kismaayo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland
Mas’uuliyiintan ayaa magaalada Kismaayo ka furi doona barnaamij deeq gargaar ah oo lagu gaarsiin doono 46,000 oo qoys oo dalka gudihiisa ah oo ay dowladda Qatar maalgineyso.
Maxamuud Macalin Cabdulle Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa maalmihii la soo dhaafay laba laabay safarada uu ku kala bixinayo gobolada dalka, wuxuuna hore u aaday maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.