Gudoomiye kuxigeenkii gobolka Sool ee Somaliland oo iscasilay,kuna baaqay in ciidanka laga saaro Laascaanood
Feb. 09 (Jowhar.com-Saleebaan Diiriye Cabdi oo ahaa gudoomiye kuxigeenka gobolka Sool ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay gobolkaasi.
Mas’uulkan oo suxufiyiinta la hadlay ayaa sababta uu isu casilay ku sheegay gumaadka ciidanka Somaliland ay maalintii 4aad oo xiriir ah ku hayaan shacabka, isagoo mas’uuliyiinta kale ee deegaanka ka soo jeedana usoo jeediyay iney iska casilaan xilalka ay ka hayaa gobolka iyo magaalada.
Saleebaan Diiriye Cabdi ayaa beeniyay in kooxo argagixiso ah lagula dirirayo magaalada Laascaanood, isagoo maamulka Somaliland ugu baaqay iney si deg deg ah ciidamadooda ay ula baxaan, si loo badbaadiyo dadka shacabka ah ee ku dhimanaya colaada.
“Xalkii Laascaanood kolay xabad ayuu noqday, umada inta hadhay in ay kala badbaado waxa lagu heli karaa ciidamadaas oo Laascaanood lagala baxo” ayuu yiri Diiriye.
Si kastaba, ninkan ayaa bilowgio Ka doonka Laascaanood uun madaxweyne Muuse Biixi usoo magacaabay xilla gudoomiye kuxigeenka govolka Sool, shawa ka tahistiosa agaa dharbaaxo horleb lu ah maakulka Somalikand ee fadhigiosu yahay Hargeysa.