Gudoomiye Mohammed Ali Yusuf dhiig cusub ma ku shubi karaa Midowga Afrika?

Mar 24(Jowhar)-Dad badan waxay u haystaan in Maxamuud Cali Yusuf yahay Soomaali, laakiin xaqiiqada ayaa ah inuu ka soo jeedo qowmiyada Canfarta ee degta seddex xagalka Jabuuti, Eretaria, iyo Itoobiya.
Walow uusan Soomaali ahayn wuxuu si fiican ugu hadlaa afka Soomaaliga. Waxaana intaas u dheer, in uu leeyahay saaxibbo badan oo Soomaali ah.

Shaqsiyan, Mohammed waa nin afgaaban, u samaysan dabeecad diblaamsiyadeed, wuxuuna muddo dheer ahaa mid kamid ah wasiirrada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ka qabay kalsooni buuxda. Taasna waxay keentay inuu muddo dheer ahaado wasiirka arrimaha dibadda ee aan dhicin.

Dhinaca kale, inuu Midowga Africa madax ka noqdo waxay ku timid inta badan nasiib. Ninkii loo saadaalinayay kursiga Raila Odinga ee reer Kenya wuxuu ka baxay khilaaf lamafilaan ay oo ka dhashay dagaalka waddanka Koongo ee M23 iyo dowladda dhexe ee Congo.

Maxamed Cali Yusuf wuxuu ku soo aadayaa xilli Midowga Afrika oo ku jiro xaalad aan fiicnayn. Tusaale, khilaafyadii soo kala dhexgalay Soomaliya iyo Itoobiya waxaa xalliyay Turkiga, halka kan Congo ka socda ay hadda Qadar ku jirto. Sidoo kale, dagaallada Sudan ayuu midowga Afrika xal u keeni waayay. Waxaa intaas dheer, afganbiyada ciidan ee Qaaradda ku soo laabtay gaar ahaan gobolka Saaxil.  Waxaana dhacday in Musa Fiki guddoomiyihii ka horreeyay Maxamed lagu bahdilay shirar ay Afrika khuseeyay, lagana saaray.

Haddaba, Mohammed Cali Yusuf dhiig cusub ma ku shubi karaa midowga Afrika?

Sidoo kale, Soomaaliya ma uga faa’iidaynkaraa mashaariicda Midowga Afrika?

Jawaabta su’aasha koobaad way adagtahay inuu isbeddel weyn sameeyo, maxaa yeelay, Maxamed wuxuu ka soo jeedaa dal dhaqaalo ahaan iyo siyaasad ahaanba aan Saameyn weyn ku lahayn Afrika iyo dunida. Intaas waxaa dheer, in Maxamed  yahay nin ah dadka ay Soomaalidu u taqaanno “qunyar socod”!

Jawaabta su’aasha 2aad waxay ku xirnaan dadaalka ay dowladda Soomaaliya bixiso, iyo raalli ahaanshaha dowladaha waaweyn ee midowga ku jira!

Waxaa qoray: Ahmed Abdihadi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More