Gudoomiye Yabooh oo war ka soo saaray weerarka Shabaab ee Aqalla dowlada hoose

Jan. 22 (Jowhar.com)-Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yabooh ayaa ka hadlay weerarka ka socda gudaha xarunta Aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Mr. Yabooh ayaa sheegay in la soo badbaadiyay mas’uuliyiin badan iyo shaqaale ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna tilmaamay in howlgalka wali uu socdo.

“Alle ayay mahad u sugnaatay dhamaan maamulka sare ee Gobolka Benaadir way nabad qabaan. Weear ayaa saakay khawaarijtu kusoo qaadeen xarunta dhexe Gobolka Banaadir, inta badan shaqaalaha waa la soo badnaadiyay, welina waxaan kujirnaa howl-galka” ayuu ku yiri qoraal uu Facebook ku daabacay Yabooh.

Taliyaha booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa kamid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgalka socda, iyadoo mararka qaar la maqlayo rasaas culus iyo qaraxyo.

Shabaab oo ka hadashay weerarkan ayaa sheegatay in dabley ka tirsan ay gudaha toogasho ka wadaan, wuxuuna weerarkan kusoo beegmayaa xili Shabaab magaalooyin badan laga qabsaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More