Gudoonka baarlamaanka oo magacaabay guddiyo ka shaqeeya diyaarinta xeerarka doorashooyinka
Nov 07 (Jowhar)-Guddoonka labada Aqal ee BFS ayaa caawa magacaabay Guddi Kumeel gaar ay oo ka kooban 15 xubnood oo Xildhibaanada labada Aqal ah.
Guddigan waxa ay ka shaqeynayaan diyaarinta Xeerarka doorashooyinka Ururada iyo Xisbiyafa iyo xeerka doorashooyinka iyo sharciga dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha.
Baarlamaanka labada Aqal ayaa todobaadkan muddo bil ah dib u dhigay fasaxooda, kaddib codsi uu u jeediyay Madaxweynaha, waxaana la filayaa inta dhawaan uu Baarlamaanka bilaabo doodaha la xiriira xeerarka doorashooyinka.