Hanti -Dhowraha Guud ee Qaranka oo kulan la qaatay Wasiirka Maaliyadda
Mar. 02 (Jowhar.com)-T Hanti-Dhowraha cusub ee Qaranka Avv. Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.
Kulanka Hanti-dhowraha Guud iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh hawlaha baarista ee uu masuulka ka yahay Xafiiska Hanti-dhowrka Guud iyo horumarinta hannaanka baarista Hanti-dhowrka Guud kaas oo qeyb ka ah hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha Dalka.
Kulanka ay yeesheen Hanti-dhowraha Guud iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka wadashaqeynta ee ka dhexeeya Xafiiska Hanti-dhowrka Guud iyo Wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta nidaamyada muhiimka ah dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda Dalka.
“Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka waxa ka go’an in uu si dhaw u la shaqayo dhammaan Hey’adda muhiimka ah ee Dowladda si loo xoojiyo daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka” ayuu yiri Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.