Hanti-dhowrka guud ee qaranka oo amar culus dul dhigay mas’uuliyiintii hore ee DF
Apr. 04 (Jowhar.com)-Xafiiska Hantidhowrka guud ee qaranka ayaa soo saaray amar la xiriira in mudo 14 cisho gudeheed ay kusoo celiyaan mas’uuliyiintii hore ee dowlasda gaadiidka ay wali heystaan ee hay’adaha dowladdu leeyihiin.
Cidii awaamirtan aan u hoggaansamin ayuu hanti-dhowrka guud ee qaranka Axmed Ciise Guutaale sheegay iney la tiigsan doonaan sharciga iyo hay’addaha awooda u leh.
Waxaa sidoo kale la faray mas’uuliyiinta gaadiidkaas la maqan iney kasoo hagaajiyaan wixii garaafo ah ee ku yaala oo gaaray mudadii ay isticmaalayeen gaadiidkaas.
Sidoo kale hey’adaha dowladda ayaa qoraalkaan lagu faray in wax gaadiid ah aysan soo iibsan ilaa inta xafiiska Hantidhowrka uu arrinta gaadiidka maqan ka xalinayo.