Hantidhowrka guud ee Qaranka oo sheegay in khasnada dowladda laga waayay 21 Milyan oo dollar
Jun. 21 (Jowhar.com)-War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in uu xafiisku la wadaagay Xeer-ilaaliyaha Guud warbixin ku saabsan baaris fatash ah oo lagu sameeyay hay’ado dawladeed, taas oo lagu ogaaday in ay qasnadda dawladda ka maqan tahay lacag dhan 21 Malyan oo Dollar.
Lacagtaan ayaa, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, waxaa la qaatay intii u dhexeysay 8 March, 2018 illa 9 April, 2023, waana lacago ka soo xarooday adeegyada bixinta iyo kordhinta rukhsadaha shaqo ee la siiyo shaqaalaha ajaanibta ah ee dalka ka howlgala.
Hanti-dhowrka ayaa xusay in dhinacyada la tuhunsan yahay inay lacagtaan lunsadeen ay ku jiraan madax iyo shaqaale dawladeed oo ka tirsan wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo sidoo kale xafiisyo kala taabacsan Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo Xisaabiyaha Guud.
Warbixintan ayaa ku soo aadaysa xilli ay dawladdu beryahaan ku howlanayd dabagal iyo dagaal ka dhan ah Musuqmaasuqa, kaas oo intii uu socday lagu soo xirxiray mas’uuliyiin iyo howlwadeenno dawladeed, halka qaar kalena ay dalka isaga baxsadeen.