Hawada iyo jidadka Muqdisho oo loo xirayo shir ay isugu imanayaan wasiiro Afrika ka socda

Jan. 30 (Jowhar.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa xireysa jidadka iyo Hawada Muqdisho labada maalin ee soo socota, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya.

Xirnaanshahan ayaa sabab u ah shir laba maalin soconaya oo caasimadda ay isugu imanayaan wasiirada Gaashaandhigga dalalka; Kenya, Jabuuti, Uganda, Burundi iyo Itoobiya, kuwaaslo ah dalalka ay ciidamadooda ka howlgalaan Soomaaliya.

Xogaha ayaa intaasi ku sii daraya in madaxweyne Xasan Sheekh uu furi doono shirka, iyadoo arrimaha looga hadlayo ay qeyb ka tahay kaalinta ATMIS ee dagaalka Shabaab iyo qorshaha bixitaanka ciidanka iyo la wareegida ciidanka SNA ee amniga guud ee dalka.

Maalmaha Talaadada iyo Axada oo ay xirnaanayaan jidadka iyo Hawada ayaa saameyn muiqata waxa ay ki yeelaneysaa shacabka magaaladan, waxaana meelaha qaar sida wadada Maka Al-Mukarama la xanibi doono xitaa isu socodka dadka.

Shacabka Muqdishi oo badankood ah dad quuta waxa ay maalinkaas soo shqeystaan ayaa dhibane u ah madaxda dalalla kale marka ay imanayaan magaaladan, mana muuqato xal ay arrintaasi kala timid dowladda uu hoggaamiyo madaxweune Xasan.

Xasan Sheekh ayaa dowladdii Farmaajo ku dhaliili jiray xirnaanshaha wadooyinka intii uu dibadda ka joogay Villada, isagoo haatanna qaaday dhabihii uu hore u dhibsan jiray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More