Haweeneydii ugu da’ada weyneyd caalamka oo geeriyootay

Aug 20 (Jowhar)-Maria Branyas Morera, oo u dhalatay dalka Maraykanka, oo la aaminsanaa inay tahay haweeneyda ugu da’da weyn caalamka ayaa geeriyootay iyadoo 117 sano jir ah.
Qoraal ay soo dhigeen barta ay haweeneydan ku lahayd X ayaa qoyskeeda waxa ay ku soo qoreen : “Maria Branyas way naga tagtay. Waxay ku baxday sidii ay rabtay iyadoo huruda oo aan xanuun hayn.”

Kooxda Cilmi-baarista Gerontology, ayaa Ms Morera ku tilmaantay qofka ugu da’da weyn adduunka ka dib dhimashadii haweeney Faransiis ah Lucile Randon sannadkii hore.

Qofka xiga ee ugu da’da weyn ee ay kooxdu liis garaysay hadda waa Tomiko Itooka oo u dhashay dalkaJapan, kaas oo jira 116 sano.

Ms Morera waxay ku dhalatay San Francisco, California, 4-tii Maarso 1907. Ninka la aaminsanyahay inuu ahaa ninka ugu da’da weyn adduunka ayaa Fransiiska ku geeriyooday sanadkii 1997-dii isagoo jira 122 sano.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More