Hay’ada xuquuqda aadanaha oo ku eedeysay Isra’il in xasuuq ay ka geysatay Gaza
Dec 20 (Jowhar) Hay’ada xuquuqda aadanaha Human Rights Watch (HRW) ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay ku eedaysay Israa’iil in ay sababtay dhimashada kumanaan Falastiiniyiin ah oo ku nool marinka Qaza,kadib markii ay ka horjoogsatay inay helaan biyo ay cabaan.
Isra’il ayaa wajahaysa eedeymo isdabajoog ah oo hay’adaha caalamiga ay u jeedinayaan iyadoo warbixintan ay soo saartay HRW ay tahay tii ugu dambeysay ee loo soo jeediyo tan iyo markii ay bilowday 14bilood kahor dagaal ka dhan ah ururka Xamaas.
Warbixin ay diiradda ku saartay biyaha, Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay New York ayaa faahfaahin ka bixisay waxa ay ugu yeertay sida ulakaca ah ee mas’uuliyiinta Israa’iil ay ugu diiday biyaha dadka ku nool Gaza inay sababatay inay kumanaan dhimasho ah,lagana yaabo inay sii socoto dhimashadaas.
Warbixin kale oo ay soo saartay Khamiistii, Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa ku eedaysay Israa’iil inay burbur baahsan ka geysatay Gaza waxayna xustay calaamadaha isir sifeynta inay ka dhaceen waqooyiga dhulka Falastiin.
Israa’iil ayaa horraantii bishii Oktoobar ka billowday howlgal milateri oo ballaaran oo ay ka waddo waqooyiga Gaza, kaasoo ay sheegtay inay uga gol lahayd inay ka hortagto Xamaas inay dib isu soo abaabusho.
Xoghayaha Guud ee MSF, Christopher Lockyear ayaa sheegay in waxa kooxaha caafimaadka ay ku arkeen intii uu socday iskahorimaadkan uu waafaqsan yahay sharraxaadaha ay bixiyeen khubarada sharciga iyo hay’adaha sii kordhaya ee ugu dambeyntii sheegay in xasuuqa uu ka socdo Gaza.
“Calaamadaha isir sifeynta iyo burburka socda — oo ay ku jiraan dilal wadareed, dhaawacyo culus oo isugu jira kuwo jireed iyo maskaxeed, barakac xoog ah, iyo xaalado nololeed oo aan macquul ahayn ee Falastiiniyiinta ku jira go’doominta iyo duqeynta – waa wax aan la dafiri karin,” ayuu yiri.
Warbixinta HRW ayaa faahfaahin ka bixisay waxa ay ku sheegtay in si ula kac ah loo waxyeeleeyay kaabayaasha biyaha iyo nadaafadda, iyo sidoo kale xannibaadda shidaalka ee matoorada.
Tani, ayay tiri HRW, waxay ka dhigan tahay dembiga dagaal ee isir sifeynta iyo falalka xasuuqa.
HRW waxay inyar u jirsatay oo ku dhowaatay in ay tiraahdo Israa’iil waxay sameynaysay “xasuuq”.
Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, caddaynta xasuuqa waxay u baahan tahay caddaymo gaar ah, taasoo ay khubaradu sheegeen inay aad u adag tahay.
HRW waxay farta ku fiiqday hadal uu yiri wasiirkii gaashaandhiga ee wakhtigaas Yoav Gallant kaas oo ka hadlayay ujeeddada Israa’iil. Bishii Oktoobar 2023, wuxuu ku dhawaaqay “go’doomin dhammaystiran” Gaza “Koranto, cunto la’aan, biyo la’aan, ma jiraan gaas – dhammaan waa xiran yihiin.”
”Biyo la’aantu waxay dadka ku nool Gaza ka dhigtay kuwo u nugul cudurrada iyo dhibaatooyinka, sida nabarrada cudurka qaba iyo awood la’aanta inay ka bogsadaan fuuq-baxa,” ayay tiri HRW.
Israel ayaa wajahaysa kiis ay Koonfur Afrika u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda bishii December ee la soo dhaafay, iyadoo ku doodaysa in dagaalka Gaza uu jabiyay heshiiskii Qaramada Midoobay ee Xasuuqa 1948-kii, eedaymahaas oo ay Israa’iil si adag u beenisay.
Bishii Nofembar Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, Gallant, iyo sidoo kale Mohammed Deif, madaxa militariga ee Hamas.
Israa’iil ayaa maxkamadda u sheegtay in ay racfaan ka qaadan doonto waarannada.
Warbixinta HRW, oo la diyaarinyay in ka badan hal sano, waxay ku salaysan tahay waraysiyo lala yeeshay daraasiin reer Gaza ah ah iyo saraakiisha caafimaadka, iyo sidoo kale sawir-qaadista dayax-gacmeedka, sawiro, muuqaallo iyo xogo kale.