Hay’adda Tayada oo Xafiis cusub ka furatay Garoonka Aadan Cadde

Sep 18 (Jowhar)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Jibril Abdirashid Haji Abdi, oo ay wehliso Mareeyaha Guud ee hay’adda Tayo-dhawrka Soomaliyeed Marwo Haawo Ahmed Hassan.

Ayaa maanta si wada jir ah xariga ugu jaray xafiis cusub oo HTS ay ku yeelan doonto Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho kaas oo ka shaqeyn doona hubinta tayada badeecadaha la dhoofiyo iyo kuwa la innoo soo dhoofiyo.

Xarig jarka kadib Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa munaasabada xarig jarka ka sheegay laga bilaabo maanta in aan dalka la soo gelin karin badeecadaha laga soo dhoofiyo dalka dibaddiisa ee aan sidan warqadda hubinta waafaqsanaanta tayada shixnadda ka hor.

Dhanka kale Maareeyaha hay’adda Marwo Hawo Ahmed Hassan ayaa ka hadashay muhiimada uu leeyahay xafiiskaan cusub ee laga hirgaliyey garoonka diyaarada ee Aadan Cade waxaana ay sheegtay in uu qeyb weyn ka qaadan isku socodka ganacsi dalka islmarkaana lagu hubin doono waafaqsanaanta tayada badeecadaha iyo taariikhdooda waxaana uu qeyb weyn ka qaadanayaa kobaca dhaqaalaha dalka.

Hay’adda Tayo-dhawrka waxa ay dadaal xooggan ugu jirta ilaalinta badqabka caafimaad ee bulshada iyo bii’adda, waxayna ay hirgalineysaa xafiisyo cusub oo loogu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More