Heshiis Xabad-joojin ah oo ka dhaqan Galay Qaza

Jan 19 (Jowhar)-Heshiis xabad-joojin ah oo ay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Xamaas ayaa dhaqan galay kaddib ku dhawaad ​​saddex saacadood oo dib u dhac ah, xilligaasoo weerarrada Israa’iil lagu dilay ugu yaraan 19 Falastiiniyiin ah.
Sida uu dhigayo heshiiska, saddex maxaabiis Israel ah oo lagu haysto Gaza iyo 90 Falastiiniyiin ah oo ku jira xabsiyada Israel ayaa la sii dayn doonaa maalinta ugu horreysa ee xabbad joojinta.
Kumanaan Falastiiniyiin ah oo barakacay, ayaa dhanka kale ku laabanaya waxa ka haray guryahoodii.
Kumannaan barakacayaal reer Qasa ah ayaa bilaabay inay guryahooda ku laabtaan saakay.

Safaf dhaadheer dad ku jira ayaa la arkayay oo sita dhar iyo alaabo kale, iyadoo sidoo kale la arkayay kolonyo gawaari ah oo ay ka buuxaan dad sita calanka Falastiiniyiinta.
Dhinaca kale,Gawaaridii ugu horreeyay ee xamuul ayaa la arkayay iyagoo galaya Qasa saakay, tan iyo intii ay dhaqan-gashay xabbad-joojinta.

Hay’adda cunnada adduunka ee QM ayaa sheegtay in gawaarida ay Qasa ka galeen labo marin, Zikim oo dhanka waqooyi ah iyo Kerem Shalom oo koofurta ah. Gawaari kale oo gargaar sida ayaa iyaguna galay iyagoo maray dhanka Rafax.

Wajiga hore ee heshiiska waxa uu socon doonaa 42 maalmood waxana uu ku lug yeelan doonaa isdhaafsiga maxaabiista, ka bixitaanka qayb ka mid ah ciidamada Israa’iil ee ku sugan Qaza, iyo gargaarka oo la kordhinayo.

Soddon iyo saddex Israa’iili ah oo maxaabiis ah, oo ay ku jiraan haween, carruur iyo rayid da’adoodu ka weyn tahay 50 sano ayaa la sii deyn doonaa. sidoo kale 737 falastiiniyiin ah ayaa la sii daaynayaa waxaa ka mid ah kuwo badan oo la xiray kadib weeraradii October 7, 2023.

Haddii la go’aamiyo in shuruudaha la buuxiyay wejiga labaad, Xamaas waxay sii deyn doontaa dhammaan maxaabiista nool ee u badan ragga askarta ah, si ay u sii daayaan falastiiniyiin badan oo ku jira nidaamka xabsiyada Israel. Intaa waxaa dheer, sida ku cad dukumeentiga, Israa’iil waxay bilaabi doontaa ka bixitaankeeda dhamaystiran ee Gaza.

Faahfaahinta wejiga saddexaad weli ma cadda. Haddii shuruudaha marxaladda labaad la buuxiyo, wejiga saddexaad waxaa lagu wareejin doonaa meydadka maxaabiista hartay si loogu beddelo qorshe dib-u-dhis oo saddex ilaa shan sano ah oo lagu fulinayo kormeer caalami ah.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa lagu dilay ugu yaraan 46,913 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 110,750 tan iyo Oktoobar 7, 2023.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas in ka badan 200 oo maxaabiis ahna waa la qafaashay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More