Hezbollah oo sheegtay in ay bartilmaameedsatay saldhiga Intel ee Tel Aviv

Oct 23 (Jowhar)- Hezbollah ayaa ku dhawaaqday inay qaaday weerarro gantaallo ah oo lala beegsaday laba xarumood oo muhiim ah oo u dhow Tel Aviv iyo xarun ciidamada badda ah oo ku taal galbeedka Haifa, waxayna ku soo beegantay xilli xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu gaadhay Israa’iil si uu u riixo xabbad-joojin.

Ilaa hadda, hindiseyaal dublamaasiyadeed kuma guulaysan in la hakiyo colaadda muddada sanadka ah ka socotay Qaza, taas oo sii kordhisay xiisadda u dhaxaysa kooxda xagjirka ah ee Xisbullah iyo Israa’iil, gaar ahaan toddobaadyadii la soo dhaafay ka dib sannad ay xabbado goos goos ah isku weydaarsanayeen xudduudda koonfureed ee Lubnaan.

Ka dib markii habeen hore duqeymo ba’an ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen koonfurta Lubnaan iyo duleedka koonfureed ee caasimaddooda, Xisbullah waxay sheegtay inay bartilmaameedsatay saldhigga Glilot oo xiriir la leh Unugga 8200 ee sirdoonka milatariga Israa’iil iyo sidoo kale deegaanka Nirit ee duleedka magaalada Tel. Aviv.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in ay gantaallo ku garaaceen saldhig ciidamada badda ah oo ku yaalla meel ka baxsan magaalada dekedda leh ee Haifa oo dhanka waqooyi ka xigta.

Nidaamka difaaca cirka ee Israa’iil ayaa qabtay inta badan gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lala beegsaday tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.

Booqashada Mr. Blinken ee gobolka ayaa noqonaysa tii 11-aad tan iyo markii ay Israa’iil weerartay ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas 7-dii Oktoobar, 2023, kaasoo dhaliyay dagaalka Gaza.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo Israa’iil ay kordhisay hawlgalkeeda millatari ee ka dhanka ah mintidiinta ay Iran taageerto – labadaba Xamaas ee Gaza iyo Xisbullah ee Lubnaan.

Waxaan u baahanahay ogolaanshahaaga si aan u shubno comcast-player-ka waxa aanu isticmaalnaa comcast-player si aanu u maamulno macluumaad dheeraad ah oo dejin kara cookies-ka qalabkaaga oo aanu u ururino xogta ku saabsan hawshaada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More