Hogaamiyihii kooxda daroogada Sinaloa ee Mexico oo lagu xiray Maraykanka
Jul 26 (Jowhar.com)-Mid ka mid ah dadka ka ganacsada maandooriyeyaasha adduunka, ee ugu caansan Ismael “El Mayo” Zambada, oo ah hoggaamiyaha kooxda Sinaloa Cartel ee Mexico, ayaa lagu xirey magaalada El Paso, Texas ee dalka Maraykanka.
Zambada, oo 76 jir ah, waxa uu la aasaasay kooxda Sinaloa Cartel Joaquin “El Chapo” Guzman, kaas oo hadda ku xiran Maraykanka.
Waxaa lala xiray Zambada khamiisti wiilka Guzman, Joaquin Guzman Lopez, sida ay shaacisay waaxda cadaaladda ee Mareykanka.
Bishii Febraayo, Zambada waxaa dacwad oogayaasha Mareykanka ku soo oogay in uu ka dambeeyay sameynta iyo qeybinta fentanyl, oo ah daroogo ka awood badan heroin-ka.
Sida ay daabacday Jariidada Wall Street Journal Zambada ayaa lagu khiyaameeyay in uu raaco diyaarad la sheegay inay kormeer ku sameyneyso garoomo qarsoon oo ku yaal dalka Mexico balse laga dejiyay dalka Maraykanka.
Guzman Lopez ayaa isu dhiibay mas’uuliyiinta Mareykanka waxaana la rumeysan yahay inuu ka dambeeyay shirqoolka Zambada sababtoo ah wuxuu Guzman ku eedeeyay qabashada aabihiis oo xukun xabsi daa’in ah ku qaadanaya xabsi ku yaal Maraykanka.
Maamulka Mareykanka ayaa horey u xusay in fentanyl ay tahay sababta ugu weyn ee dhimashada Mareykanka dadka da’doodu u dhaxeyso 18 ilaa 45.
Maamulka joojinta Maandooriyaha ee Mareykanka (DEA) ayaa ku yaboohay abaalmarin dhan $15m (£12m) soo qabashada Zambada.
Intii lagu guda jiray dacwadda Joaquin “El Chapo” Guzman ee 2019, qareenadiisu waxay ku eedeeyeen Zambada inuu laaluushay dhammaan dawladda Mexico si uu ugu noolaado si furan isaga oo aan ka cabsanayn dacwad.
Marka laga soo tago eedeymaha fentanyl, wuxuu sidoo kale wajahayaa Zambada eedeymo isugu jira ka ganacsi daroogo, dil, afduub, lacag dhaqid iyo dambiyo abaabulan.