Hoggaamiyaha Xisbiga Midigta Fog ee Faransiiska oo 5 sano laga mamnuucay siyaasada
Mar 31(Jowhar)-Maxkamad ku taal dalka Faransiiska ayaa xukun xabsi ah ku soo rogtay hogaamiyaha midigta fog ee Marine Le Pen, waxaana laga mamnuucay in ay u tartanto xafiis dowladeed ka dib markii lagu helay danbi ah in ay musuq maasuqday dhaqaalaha Midowga Yurub.
Maxkamadda Paris ayaa sheegtay in Le Pen ay u adeegsatay in ka badan 3 milyan oo Yuuro ($3.3m) oo ah dhaqaalaha baarlamaanka Yurub si ay u siiso xubnaha xisbigeeda National Rally (RN).
Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa ku dhawaaqay xukunka isagoo sheegay in haweeneydan aan loo ogolaan doonin inay xilka qabto dalka Faransiiska muddo shan sano ah.
Waxaa sidoo kale lagu xukumay afar sano oo xarig ah, iyadoo labo sano laga joojiyay halka,labada sano ee kalana aysan xabsi geli doonin balse lagu xirayo qalab elektaroonik ah oo lagula socdo dhaqdhaqaaqeeda.
Waxaa sidoo kale lagu xukumay inay bixiso ganaax dhan 100,000 euros ($108,000), halka RN lagu xukumay 2-milyan euros ($2.16m).
Xukunkan ayaa ka dhigaya in Le Pen ay seegi karto tartanka madaxtinimada dalka Faransiiska oo lagu wado inuu dhaco 2027, waxayna ka mid ahayd musharaxiinta ugu cadcad, marka loo eego ra’yi ururin la sameeyay.
Qareenka Le Pen qareenkeeda Rodolphe Bosselut,ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadanayaan xukunkan.