Hoggaamiyihii Maafiyada Talyaaniga Denaro oo xabsiga la dhigey

Madaxa Maafiyada Talyaaniga Matteo Messina Denaro ayaa lagu xiray Sicily ka dib 30 sano oo la raadinayay. Messina Denaro ayaa lagu soo waramayaa in laga soo qabtay xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay oo ku taal caasimada Sicily ee Palermo.

Denaro ayaa lagu eedeeyay inuu madax u yahay maafiyada caanka ah ee Cosa Nostra,waxaana la soo qabtay isagoo lagu daweynayay isbitaal gaar ah.In ka badan 100 ka tirsan ciidamada qalabka sida ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen xariga.

Messina Denaro ayaa lagu xukumay xabsi daa’in isagoo maqan sanadkii 2002di kadib markii lagu eedeeyay dilal badan.
Dilalka ayaa waxaa ka mid ah dilkii 1992-dii ee lagu dilay xeer ilaaliyeyaashii ka soo horjeeda maafiyada Giovanni Falcone iyo Paolo Borsellino, weerarradii bam ee lagu dilay 1993 ee Milan, Florence iyo Rome, afduub, jirdil iyo dil loo geystay wiil 11 jir ah oo uu dhalay maafiyo ayaa marqaati dowladeed noqday.

Madaxa maafiyada ayaa maamulayay tuuganimada,lacag dhaqidda iyo ka ganacsiga maandooriyaha ee ururka Cosa Nostra ee abaabulan dambiyada. Waxa la sheegay inuu ahaa ilaaliyaha Toto Riina, oo ah madaxa qabiilka Corleone oo la xiray 1993 ka dib 23 sano oo baxsad ah.
In kasta oo Messina Denaro uu baxsad ahaa tan iyo 1993-kii, haddana waxaa loo malaynayay in uu wali amaro ka soo saari jiray dadka hoos yimaada meelo kala duwan oo sir ah.

Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa uga mahadcelisay ciidamada qalabka sida sida ay uga shaqeeyeen qabashada xubinta ugu muhiimsan ee kooxda dambiilayaasha maafiyada, isagoo raaciyay: “Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay gobolka.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More