Hoobiyayaal lagu garaacay xaafado kudhow madaxtooyada Soomaaliya

Apr 05(Jowhar)Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro hoobiyayaal ah oo kusoo dhaawacay xaafado kudhow madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo sababay khasaare kala duwan.

Hoobiyayaasha oo ilaa saddex lagu sheegay ayaa ku kala dhacay xaafado ka kala tirsan degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley, waxaana wararka tilmaamayaan in ilaa saddex ruux ay ku dhaawacmeen.

Laba qof oo midi Haweeney tahay ayaa ku dhaawacabtay hoobiyayaasha ku dhacay Boobdheere, halka kuwa Warta-nabada hal qof oo Hilible ahaa uu ku dhaawacmay.

Laamaha amaanka ee diwladda ayaa ku baxay halka laga soo tuuray hoobiyayaasha, kuwaasoo baaritaano wada, waliw aan wali lasoo qaban raggii falkaasi ka danbeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More