Hormuud Salaam Foundation oo Daah-furtay Barnaamijka Taakuleynta Bisha Barakeysan ee Ramaddaan
Mar 01(Jowhar)=Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta Daah-furtay Barnaamijka Taakukeynta Bisha Barakeysan ee Ramaddaan iyo Deeq la gaarsiiyay Isbitaalka Dhimirka ee Xabeeb.
Hay’adda ayaa deeq ka kooban Raashiinka noocyadiisa kala duwan sida Bur, Bariis, Sokor iyo Saliid loogu tala galay in ay ku afuraan dadka dhimirka ka xanuunsan ee ku jira xarumaha DR. Xabeeb ee ku yaala Muqdisho.
Deeqdan ayaa waxa ay qeyb ka tahay Mashruuca Taakuleynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo sanad waliba ay sameeso Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ah Janaaxa bani aadanimo ee Shirkadaha Hormuud iyo Salaam Somali Bank.
Madaxda Hay’adda Hormuud Salaam Foundation iyo Dhakhtarka ayaa Kormeer waxa ay ku sameeyeen qeybaha kala duwan ee xarunta DR. Xabeeb iyada oo Hay”addu u kuur galaysay baahiyaha ka jira xarunta iyo sida ay usocoto shaqadeeda.
Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Cabdullahi Nuur Cusmaan oo faafaahin ka bixinayay deeqda ay soo gaarsiiyeen Isbitaalka DR. Xabeeb ayaa waxa uu sheegay in Hay”adda ay u taagantahay taageerada dadka Danta yar ee u baahan gacanta bani”aadanimo.
Dr. Xabeeb ayaa ka mahad celiyay Deeqda ay soo gaarsiisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo sanad waliba marka lagaaro bisha barakeysan ee Ramadaan gargaar noocan oo kala ah soo gaarsiisa Xarunta.