Hormuud Salaam Foundation oo deeq gaarsiisay Isbitalka Laansareeti iyo Ururka Haweenka Qaranka

Mar 02(Jowhar)-Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta deeq raashiin ah iyo lacag gaarsiisay Isbitalka Laansareeti iyo Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Hormuud Salaam Foundation ayaa deeqda raashiinka ee la gaarsiiyay isbitaalka Laansareeti waxaa ay ka koobneed Bur Bariis Sokor iyo Saliid iyadoo loogu talogalay bukaanada ku jira isbitaalka dhimirka Laasareeti ee magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Ibraahim Cilmi guddoomiye ku xigeenka Hey’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa faahfaahin ka bixiyay deeqdan maanta ay gaarsiiyeen isbitaalka.

“Maanta waxaan halkan keenay raashin kala duwan oo aan rajeyneyno inay ku kaalmeystaan quudinta la quudinayo bisha barakaysan ee Ramadaan,waxaan ballanqaadeynaa inaan joogteyno deeqda maanta aan soo gaarsiinay isbitaalka,”ayuu yiri C/raxmaan Ibraahin.

Dhankeeda waxaa deeqdan ka gudoomay Hey’ada Hormuud Salaam Foundation Drs Faadumo Cabdi Macow oo ku hadleysay afka maamulka Isbitaalka, waxayna sheegtay in baahi wayn ay u qabeen deeqdan ay soo gaarsiisay Hey’adda Hormuud salaam Foundation.

“Waxaan u mahadcelineynaa hay’ada Horumuud Salaam Foundation oo sanad walba bisha barakaysan ee Ramadaan deeq noocaan oo kale ah soo gaarsiiso hay’adda.”

Dhanka kale Hey’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed waxay gaarsiisay Ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Deeqdan lacageed oo cadadkeedu gaarayay 6,000 oo dollar ayaana waxaa ka faa’ ideystay 120-qoys oo danyar ah.

Guddoomiyaha Ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Axmed Gabale iyo Gudoomiye ku xigeenka ururka Haweenka Qaranka waxa ayna si isku mid ah ugu mahadceliyeen Hey’ada Hormuud Salaam Foundation.

Raaxo Xuseen Xirsi Gudoomiye ku xigeenka Hey’ada Hormuud Salaam.Foundation ayaa sheegtay in deeqdan ay ugu talagaleen in ay kaalmo u noqoto haweenka soomaaliyeed bisha barakeysan ee Ramadaan iyadoo ugu baaqday ganacstada in ay garab istaag u muujiyaan dadka danta yar.

Haya’dda Hormuud Salaam Foundation oo shalay daahfurtay Barnaamijka Taakukeynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa Deeq kala duwan gaarsiisay Isbitaalka Dhimirka ee Xabeeb.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More