Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Curyaamiinta Isbitaal Martiini

Mar 03(Jowhar)-Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq ka kooban xoolo nool, dhar, cabitaano iyo lacag waxa ay kala gaarsiisay maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Muqdisho iyo isbitaalka Martiini qeybta ay daganyihiin curyaamiinta ciidamada Xooga Dalka ee ku soo dhaawacmay dagaalkii 1977.

Ugu horeyn deeqda ayaa la gaarsiiyay Xabsiga dhexe ee Muqdisho iyadoo halkaasi hayadda Hormuud Salaam Foundation ay ku wareejisay deeq ka kooban 5 Neef oo geel ah, dhar, cabitaano, caano iyo sidoo kale dhar loogu talagalay maxaabiista xabsiga dhexe ku jirta ee ka kooban Rag iyo Dumar.

Waxaa ugu horeyntii goobta lagu wareejinayay deeqda ka hadlay gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Cabdullahi Nuur Cusmaan kaasi oo faafahin ka bixiyay deeqda ay soo gaarsiiyeen xabsiga dhexe.

Intaasi kadib waxaa deeqda ka mahad celiyay masuuliyiinta Taliska Ciidanka Asluubta iyo Xabsiga dhexe kuwaasi oo hay’adda Hormuud Salaam Foundation uga mahad celiyay deeqda mar waliba ay soo gaarsiiso xabsiga.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa sidoo kale lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah waxa ay ku wareejisay Curyaamiinta ku jirta Isbitaalka martini kuwaasi oo ku naafoobay dagaalkii 1977dii ee Soomaaliya ay la gashay Itoobiya.

Cabdullahi Nuur Cusmaan Gudoomiyaha Hayadda Hormuud Salaam Foundaton ayaa faafahin ka bixiyay deeqda Iyana ay soo gaarsiiyeen Isbitaalka Martiini qeybta ay daganyihiin Curyaamiinta.

Deeqda ayaa waxaa ka mahad celiyay gudoomiyaha naafada Xooga dalka ee Martiini iyo afhayeenkooda kuwaasi oo Hormuud Salaam Foundation kaga mahad celiyay kaalmada ay soo gaaersiiyeen.

 

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More