Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Lacageed Gaarsiisay Xarunta Maamo Ugaaso iyo SWDC

Mar 04(Jowhar)-Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta deeq lacageed gaarsiisay Xarunta xanaanada gabdhaha agoonta ee Maamo Ugaaso Foundation iyo Ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (SWDC), si loo garab istaago dadka nugul ee u baahan taageerada bulshada.

Xarunta Maamo Ugaaso, oo ah goob lagu xanaaneeyo carruurta agoonka ah iyo kuwa darbi-jiifka soo maray, waxaa ku jira 50 gabdhood oo agoon ah iyo 120 wiil oo dhaqan-celin ku jira. Carruurtaasi waxay xarunta ka helaan waxbarasho aasaasi ah sida Xifdinta Qur’aanka, daryeel caafimaad iyo hoy ay seexdaan.

Hormuud Salaam Foundation ayaa xarunta ku wareejisay $10,000 si loogu garab istaago dadaalka ay wado Maamo Ugaaso, taasoo lagu dhiirrigelinayo dadaalka ay ugu jirto daryeelka carruurta nugul.

Guddoomiye ku-xigeenka Hormuud Salaam Foundation, Raaxo Xuseen Xirsi, ayaa carruurta xarunta joogta ku dhiirrigelisay inay dadaal u galaan waxbarashada, gaar ahaan barashada Qur’aanka.

Booqashada madaxda Hay’adda kadib waxaa warbaahinta la hadlay C/raxmaan Ibraahim Cilmi Kobac oo ah guddoomiye K/Xigeenka Hay’adda Hormuud.

Maamo Uagaaso ayaa ugu mahadcelisay deeqda lacageed ee Hormuud ay ku taakuleneyso xaruntaan.

Intaas kadib, Ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (SWDC) ayaa sidoo kale la gaarsiiyay deeq lacageed, taas oo loo qaybiyay 120 qoys oo isugu jira dumar iyo rag aan haysan shaqo, da’ ah ama qaba baahiyo gaar ah.

Sahra Maxamed Axmed, xoghayaha guud ee SWDC, ayaa uga mahadcelisay Hormuud Salaam Foundation taageerada ay siiyeen qoysaskan nugul, iyadoo sheegtay in ay tahay tallaabo muhiim ah oo wax ka tari doonta baahidooda nololeed.

Guddoomiye K/Xigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Raaxo Xuseen Xirsi ayaa tilmaantay in Hormuud Salaam Foundation ay ka go’an tahay inay bulshada Soomaaliyeed gacan siiso, gaar ahaan kuwa nugul ee u baahan garab istaag.

Qaar kamid ah qoysaska ka faa’iideystay deeqdan ayaa u mahadceliyay Hormuud Salaam Foundation, iyagoo sheegay in ay tahay kaalmo waqtigeeda ku timid oo wax badan ka beddeli doonta xaaladooda nololeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More