Hormuud Salaama Foundation oo Deeq Lacageed gaarsiisay Haween Danyar ah
Mar 09(Jowhar)Hay’adda Hormuud Salaama Foundation ayaa maanta deeq Lacageed ku wareejisay haweenka danyarta ah ee ku nool gobolka Banaadir.
Deeqdan ayaa waxaa ka faa’ideystey ku dhawaad 120 Haween oo isugu jira kuwa danyar ah, kuwo ilmo agoon ah korinaya, iyo kuwo qaba baahiyaha gaarka ah qaba. ayaa kafaa’ideestay deeqdan.
Madasha lagu qaybinayay oo ahayd Xarunta gabdhaha Agoomanka Boondheere ayaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin ka tirsan hay’adda Hormuud Salaama Foundation.
Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Raaxo Xuseen Xirsi ayaa ka warbixisay deeqda ay gaarsiiyeen haweenka danta yar.
Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa kaga mahad celisay hay adda Hormuud Salaam Foundation in sanad walba deeqdaan ay siiso haweenka danyarta ah ee ku nool Gobolka Banaadir.
Haweenkii ka faa’ideystay ayaa uga mahad celiyay hay’adda Hormuud Salaama Foundation deeqda ay soo gaarsiisay.