Howlgal cusub oo loogu magac daray qof iyo guri oo xalay ka bilowday Muqdisho
Jan. 25 (Jowhar.com)-Ciidamadda amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal culus ka sameeyay xaafado kamid ah degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Howlgalkan oo ah mid waji cusub leh ayaa loogu magac daray Qof iyo Guri, iyadoo degmadii u horeysay ee laga sameeyayna ay noqotay degmada Xamarweyne.
Gudoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa sheegay iney baadi goobayaan dadka guryaha hubka iyo qaraxyada ugu haya kooxda Alshabaab, isagoo sheegay inaan loo dulqaadan karin in maalin kasta shacabka lagu dhibaateeyo bambo.
Howlgalkan ayuu tilmaamay inuusan istaageynin inta Shabaab laga nadiifinayo, wuxuuna digniin culus u diray cid kasta oo Shabaab qarisa.
Si kastaba, degmada Xamarweyne waxaa laba maalin kahor ka dhacay weerarkii Shabaab ay ku gashay xarunta maamulka gobolka Banaadir, sidoo kalena waxey qeyb ka eheyd goobihii ay shalay ku dhaceen hoobiyayaal Shabaab ay ku tuurtay xarunta madaxtooyada.