Hubanti la’aan hareysay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee golaha shacabka
Feb 17(Jowhar)Hubanti la’aan ayaa wali ka taagan furitaanka Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka BFS, iyadoo aan la cayimin waqtiga rasmiga ah ee uu furmi doono.
Furitaanka Kalfadhiga 6aad ayaa muddeysnaa in la furo 6 bishan Febraayo 2025, hase ahaatee codsi ka yimid Madaxweynaha JFS ayaa dib loogu dhigay, lamana shaacin waqti go’an oo kalfadhiga la furi doono.
Qaar kamid ah xildhibaanada labada aqal iyo siyaasiyiin ayaa gudoonka baarlamaanka ku eedeeyay iney curyaaminayaan howlihii hay’ada sharci dejinta oo ay awoodoodii qaadatay madaxtooyada.