IDF ta Israel oo dib u eegis ku sameysay xasuuqi Shaqaalaha Gargaarka Gaza
Apr 06 ( Jowhar) Milateriga Israel ayaa bixiyay macluumaad cusub oo beddelaya xisaabtiisii asalka ahayd ee ku aaddan toogashadii dhimashada lahayd ee 15 ka mid ah shaqaalaha gurmadka degdegga ah lagu dilay meel u dhow Rafah, oo ah magaalo ku taal koonfurta Qaza, bishii hore. Baarayaashu waxay hadda qiimaynayaan caddaynta.
15-kan shaqaalaha caafimaadka ah iyo kuwa gurmadka deg degga ah ayaa la dilay 23-kii March, waxaana markii dambe lagu aasay qabuuro aan qoto dheereyn, halkaasoo meydkooda laga helay toddobaad kadib mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Bisha Cas ee Falastiin. Shakhsi kale ayaa weli aan la ogeyn.
Markii hore, millatariga Israa’iil waxay ku andacoodeen in askartu ay rasaas ku fureen baabuur u soo dhawaaday goobtooda “si shaki leh,” iyaga oo aan lahayn nalal ama calaamado lagu garto xilliga habeenkii.
Milatariga ayaa xaqiijiyay in sagaal dagaalyahan oo ka tirsan Xamaas iyo Islamic Jihad la dilay xilli ay ku safrayeen baabuur ay leeyihiin hay’adda Bisha Cas ee Falastiin.
Si kastaba ha ahaatee, muuqaalka laga soo saaray taleefoonka gacanta ee mid ka mid ah dadka dhintay oo ay sii daysay hay’adda Bisha Cas ee Falastiin, ayaa muujinayay shaqaalaha gurmadka degdegga ah oo xidhan dirayskooda, isla markaana si cad u calaamadiyey baabuurta gurmadka deg-degga ah iyo kuwa dab-damiska oo nalalkoodu shidan yihiin oo ay askartu rasaas ku furayaan.
Qofka kaliya ee la og yahay in uu ka badbaaday shilkan, oo ah kalkaaliye caafimaad Munther Abed oo ka tirsan Bisha Cas ee Falastiin, ayaa xaqiijiyay in uu arkay askartu oo rasaas ku furaysa baabuurta gurmadka degdegga ah.
Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa sheegay in baarayaashu ay dib u eegis ku sameynayaan cadeymaha muuqaalka, gabagabadana dhawaan ayaa loo sheegi doonaa taliyayaasha ciidamada.
Afhayeenku waxa uu xusay in warbixinta hore ee goobta aan lagu xusin nalal shidan iyo in baarayaashu ay falanqeynayaan “xogga hawlgelinta” si ay u go’aamiyaan in ka-tegiddani ay tahay khalad uu sameeyay shaqsiga warbixinta soo gudbiyay.