Iiraan oo hanjabaad horleh u dirtay Isra’il

Oct 01 (Jowhar)-Madaxweynaha Iiraan Massoud Pezeshkian, ayaa difaacay weerarka Iiraan ee xalay, waxaana uu uga digay Israa’iil fariin uu ku soo qoray barta X.

Pezeshkian ayaa sheegay in, iyadoo lagu saleynayo ‘xuquuqda sharciga ah’ ee Iiraan iyo ujeedka ah ‘nabad iyo amni u ah Iiraan iyo gobolka, ay tani tahay ‘ jawaab ‘go’aan adag’ ah oo la siiyay Israa’iil ‘laguna difaacayo danaha iyo muwaadiniinta Iiraan’

Wuxuu uga digay Israa’iil in weerarka caawa uu ahaa kaliya ‘aragti yar’ oo ka mid ah awoodaha Iiraan isla markaana aysan ku ‘lug yeelan dagaal’ Iiraan.

Ciidamada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, in weerarradu ay jawaab u ahaayeen dilka Israa’iil ee taliye sare oo ka tirsan IRGC iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan maleeshiyaadka taageerada ka hela Iiraan ee gobolka.

Waxay xuseen dilka hoggaamiyaha Xisbullah Hassan Nasrallah iyo taliyaha IRGC Abbas Nilforoshan ee Beyruut lagu dilay usbuucii hore.

Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday dilka hoggaamiyaha siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh oo bishii Luulyo lagu dilay Tehran.

Inkasta oo Israa’iil aysan qiran inay ka dambeysay dilka Haniyeh, haddana waxaa si ballaaran loo rumeysan yahay in ay masuul ka tahay.

Sarkaal sare oo Iiraani ah ayaa u sheegay Reuters in hoggaamiyaha sare ee dalka, Ayatollah Ali Khamenei, uu si shaqsi ah amarka weerarka u bixiyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More