Iran oo weerar gantaallo ku qaaday caawa Israel

Oct 01 (Jowhar)-Iran ayaa weerar gantaallo ku qaaday Israel caawa Israel, taasoo jawaab u ah dilka hoggaamiyihii Xisbullah ee Xasan Nasrallah iyo kuwo kale, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ilaalada kacaanka Islaamiga ah.

Illaa 180 gantaal ayaa lagu ridey Israel iyadoo gantaaladaana lagu ridey magaalooyin ay ka mid yihiin Tel Aviv, Jerusalem iyo Haifa
Qaar ka mid ah gantaallada Iran ayaa si toos ah u saameeyay bartamaha iyo koonfurta Israa’iil, afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa yiri.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay inay weerar gantaallo ah ku qaadeen magaalada Tel Aviv, oo ah xarunta ganacsiga Israel.

Madaxweynaha Iran Massoud Pezeshkian ayaa difaacay weerarka Iran ee caawa, wuxuuna digniin u diray Israel qoraal uu soo dhigay X., dibadda

Pezeshkian ayaa sheegay in, iyada oo ku saleysan xuquuqda sharciga ah ee Iran iyada oo ujeedadu tahay nabada iyo amniga Iran iyo gobolka.

Hawada Israel ayaa la xiray iyadoo dhammaan duullimaadyadii la weeciyay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maamulka garoomada.Ciraaq iyo Urdun, oo dhaca Iran iyo Israel dhexdooda ayaa ayagana xiray hawadooda.Illaa hadda lama yaqaan khasaaraha ka dhashay gantaallada Iran.

Inkasta oo kooxo Iran ay taageero ay qeyb ka ahaayeen dagaalka Bariga Dhexe ee billowday 7-dii October markii Xamas ay weerartay Israel, haddana Tehran ayaa inta badan iska ilaalineysay in ay weerar toos ah ku qaado cadowgeeda koowaad.

Iran ayaa sheegtay in dilka Nasrallah uu keeni doono burburka Israel, inkasta oo wasaaradda arrimaha dibadda ay Isniintii sheegtay in Tehran aysan wax ciidan ah gayn doonin.
Dhinaca kale wax yar kahor weeraradii gantaalaha ee Iran ay ku qaaday Israa’iil, waxa la sheegay in toogasho ay ka dhacday Tel Aviv.

Dabley hubeysan ayaa fiidnimadii caawa rasaas ku furay dad ku sugnaa waddo magaalada ah, sida uu sheegay booliska, warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in ugu yaraan lix qof ay dhinteen.
Ugu yaraan todobo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen, qaar badana ay xaaladoodu liidato

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More