Ilaalada Duqa Muqdisho oo askari NISA ka tirsan ku dishay degmada Yaaqshid
July. 25 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil maqribnimadii caawa ay ilaalada gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ay ugu geysteen degmada Yaaqshid askari ka tirsan ciidanka ilaalada shacabka ee NISA.
Dilka askarigan waxaa la sheegay inuu ka dnabeeyay kadib muran soo kala dhex galay mid kamida ilaalada gudoomiye Madaale iyo askarigaasi oo xiligaasi ilaalo ka hayay goobta.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in askariga dilka geystay uu isaga dhaqaajiyay goobta, isagoo hore usii raacay kolonyadii galbineysay duqa magaalada Muqdisho.
Xiisad arrintaasi ka dhalatayayaa ka taagan goobga, iyadoo saraakiisba NISA ay dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiiglaha.