Ilaalada Madaxtooyada Qaranka oo rasaas ooda uga qaaday diyaarad Drone laga shakiye
Feb 01 (Jowhar) Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaaarad Drone ah oo xalay lagu arkayay hawada sare ee nadaxtooyada Soomaaliya, taasoo qalqal galisay amniga xeyndaabja madaxtooyada ee sida weyn loo ilaaliyo.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in diyaarad oo aan la aqoon cida leh ay laba jeer soo martay hawada sare ee Villa Somaliya, waxaana rasaas xooggan ooda ugaga qaaday ciidamadda amaanka, taasoo keentay iney baxsayo.
Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in qoriga Dhashiikaha Ooda loogaga qaaday diyaarada labada jeer ee la arkay, waxaana rasaasta xowligeeda si weyn looga maqlay xaafado ka titsan magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xili maalmihui lasoo dhaafay ay hay’adaha degan Xalane soo dirayeen fariino digniin ah oo ku aadan in Shabaab damacsan yihiin in diyaarado Drone oo qaraxyo wada ay ku bartilmaameedaadaan madaxtooyada iyo aagga Xalane.
Dowladda Soomaaliya wali wax war ah maysan kasoo saarin arrinta oo cabsi iyo hadal heyn xooggan abuurtay.
Dhowr cisho kahor ayay ahayd markii ay Puntland soo ridday diyaarado qaraxyo laga soo buuxiyay oo ay Kooxda Daacish dooneysay inay ku beegsato ciidamada maamulkaasi ee haatan howlgallada culus ka wada dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.