Ilhan Cumar oo laga saaray xubinimada Guddiga Arrimaha Dibbada ee Kongreska Maraykanka
Feb. 02 (Jowhar.com)-Aqalka Koongareeska ee Jamhuuriga uu hoggaamiyo ayaa u codeeyay in la meel mariyo qaraar looga saarayo xubinimada guddig arrimaha dibada Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga
Aqalka Congress-ka ee Jamhuuriga ayaa ku dooday in Ilhan Cumar aysan ka mid ahaan karin guddigan iyadoo la eegayo hadaladii ay horay u sheegtay ee la xiriiray Israa’iil oo mararka qaar ay xubnaha labada dhinac ku dhaleeceeyeen inay naceyb yihiin.
Dimuqraadiyiinta ayaa dhaleeceeyay talaabadan ay xisbiga Jamhuuriga qaadeen, waxayna ku doodeen in ay la mid tahay fal aargoosi siyaasadeed iyo in xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota lagula xisaabtamo hadaladii hore.
Codbixinta kongreska ayaa ahayd 218 ilaa 211. Waxayna Ilhan Cumar khudbad ay ka jeedisay Kongreska ku tiri; “Hoggaankayga iyo codkaygu ma dhimmi doono haddaanan guddigan ku jirin hal xilli. Codkaygu aad buu u sii xoogaysan doonaa,” ayay tiri.
“Marka codkaaga qaado ama ha qaadanina – waxaan halkan u joogaa inaan sii joogo, waxaanan halkan u imid inaan noqdo cod ka soo horjeeda waxyeelada aduunka oo aan u doodo adduun wanaagsan,” ayay sii raacisay.
Jamhuuriga ayaa diiradda saaray lix hadal oo Ilhaan ay horey u tiri “kuwaas oo xaaladaha caadiga ah u diidaya inay ka mid noqoto guddiga arrimaha dibedda,” waxaa sidaas jiri xildhibaan Michael Guest oo ah Jamhuuri laga soo doortay Mississippi.
Hoggaamiyaha Dimoqraadiga Hakeem Jeffries oo laga soo doorto New York ayaa sheegay in Ilhaan ay mararka qaar “sameysay khaladaad” ayna adeegsatay hadallo Yahuud naceyb ah oo la cambaareeyey afar sano ka hor. Balse taasi ma ahan waxa codeynta maanta ay ku saabsaneyd.