Ilyaas Sheekh oo loo doortay kursiga xildhibaan uu baneeyay taliye Mahad Salaad
Feb. 01 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim loo doortay xildhibaanka kursiga Hop147, kadib markii ay u tanaasushey musharaxii la tartamaysay ee Aamino Tahliil Warsame.
Gudoomiyaha gudiga KMG ee Doorashada kuraasta ka banaan baarlamaanka 11-aad ee JFS ayaa ku dhawaaqey in Ilyaas Sheekh kursigan uu ku qaatay Cod gacan taag ah oo dhan 86-xubnood oo ergadiii codeyneysay ah.
Kursigan oo uu hore u baneeyay taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa la iska sii ogaa natiijadiisa iyo inuu kusoo bixi doono shaqsigan loo xiray oo gadaal uu ka riixayay taliye Mahad.
Xildhibaan Ilyaas oo hore u ahaa madaxii hay’adda NRC ee Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa balanqaaday inuu ka shaqeyn doono danaha dadka uu baarlamaanka ku metelo beesha, isagoo u mahad celiyay cid kasta oo kaalin ku leheyd guushiisa.