Ingiriiska oo iclaamiyay shir deg deg oo Dalalka Yurub ay uga tashanayan xiriirka Mareykanka

Mar 02(Jowhar) Jaahwareerka Yurub ayaa Waji Cusub Galay iyadoo Ingiriiska uu Shir Labaad oo Yurub oo Degdeg ah Maanta Qabanaya.

Macron iyo Faransiiska baa bishii hore Paris ku qabtay shir degdeg oo looga tashanayo wajiga cusub ee Ameerika, shirkaasna waxaa lagu go’aamiyey in Macron iyo Starmer war ka keenaan Trump iyo dawladda Mareykanka.

Macron waa yimid Washington, faramarnaan iyo waliba soodhawayn maqaam hoose ah buuna kala kulmay. Starmer baa ka danbeeyey, asna faramarnaan buu Washington kala soo laabtay. Zelensky baa labadoodaba uga danbeeyey Trump, laakiin wixii Oval Office-ka Aqalka Cad ka dhacay daafaha adduunkaa laga daawaday. Daawasho kaliya ma aha e Zelensky waxaa loo sheegay in uu ka huleelo Aqalka Cad. Si kale oo edboon haddii loo yiraahdo, Zelensky waxba loolama harin, waji gabaxna waa la soo laabtay.

Maanta waa maalin horleh iyo culayskii Ukraine oo dhammaantiis Yurub dusha ka fuulay, waa Yurub awalba teeda la tacaaleysay oo dhaqaalihii hoos u dhacay, shacabkiina khaati ka taaganyihiin madaxdooda, mid markii ay cayriyaan oo mid kale doortaana uu isla meeshii ka sii wadayo hawshii Ukraine.

Maanta oo Axad ah waxaa London ka qabsoomaya shir degdeg ah oo RW Keir Starmer isugu yeeray. Sida Starmer sheegay waa shir NATO, laakiin waa shir NATO oo aasaasihii NATO ahna quwadda ugu xoog badan uu ka maqanyahay, waa Mareykan e. Shirka waxaa lagu casumay dawladaha xubnaha ka ah NATO oo ay kamid yihiin Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Poland, Netherlands, Italy, Denmark, Sweden, Romania, Finland, Turkiye, Spain, Czechia iyo waliba Zelensky oo weli NATO ka rajo qaba.

Ingiriiska ayaa ku hanjabaya in NATO dagaal diyaar u tahay, haddana cunaqabatayn horleh oo aan hore loo arag dul saarayaan Ruushka. Laakiin sida xeeldheerayaasha milatariga iyo dhaqaaluhuba isla qireen Ingiriis iyo dhammaan dalalka shiraya hub ay Ruush kula dagaalamaana uma harin, dhaqaalana warkiisa daa. Ingiriiska oo ugu qaylo dheer Yurub waxaa la xaqiijiyey in fardaha ciidamada Ingiriisku maanta ka badan yihiin taangiyada u haray oo lagu qiyaasay wax ka yar 200, meesha fardahooda lagu qiyaasay wax ka yar 300.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More