Ingiriiska oo kordhiyay taageerda dhaqaale uu siiyo ciidamadda dowladda Soomaaliya
Apr 14(Jowhar) Dawladda Ingiriiska ayaa xoojisay taageerada dhaqaale ee ay siiso Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo $3.9 milyan oo dheeraad ah ku dartay deeqihii hore, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay Muqdisho.
Deeqda Ingiriiska oo la marsiiyo Xafiiska Hayโadda Qaramada Midoobay u qaabilsan soomalaiya ee UNSOS ayaa sida qoraalka lagu sheegay waxa ay hadda taageertaa 18,900 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Booliska.
War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Ingiriisku uu sannadkii la soo dhaafay kaalin ka gaystay deeqaha cunnooyinka iyo shidaalka la siiyo ciidanka oo ay dheer tahay daadguraynta boqolllaal ka mid ah dhaawacyada askarta.
Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ayaa ka hadlay deeqdan ayaa yidhi:
โIngiriisku waa saaxiib adag oo Soomaaliya leedahay. Xilligan muhiimka ah, waan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo taageero dheeraad oo wax ka tari karta la dagaallanka xagjirka. Waxaan ku dhiirrigelinayaa bah-wadaagta kale in ay taageeraan sanduuqa SSF Trust Fund, si loo garab istaago ciidanka Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.โ