Inkabadan 10 qof oo ku geeriyootay dagaal ka dhacay duleedka Dhuusa-mareeb

Nov 17  (Jowhar)-Warar dheeraad ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray dukeedka magaalada Dhuusa-mareeb.

Sida wararku tilmaamayaan, Ugu yaraan 11 qof ayaa ku geeriyootay, in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka oo si gaar ah uga dhacay Deegaanka Labi-caano oo bari uga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Maleeshiyaadka Dagaalamaya oo isku heysta daaq iyo waraab ayaa kasoo kala jeeda Ceelgaras iyo Dhuusamareeb.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug, iyadoo dagaalada salka ku haya qabiilka uu joogto ka noqday gobolada Galgaduud iyo Koofurta gobolka Mudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More