Inkabadan 100 xildhibaan oo diiday go’aankii ka dhanka ahaa xildhibaan Abiib
Mar 15(Jowhar)Inka badan Boqol Xildhibaan oo katirsan Golaha shacabka BJFS ayaa Sharci daro ku tilmaamay go’aankii uu maanta ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,kaas oo ahaa in xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib uu lumiyay xubinnimadiisii Golaha.
Xildhibaanadani waxay si cad udiiday tallaabadan, iyagoo Go’aanka Guddoomiye Aadan madoobe ku tilmaamay mid aan waafaqsaneyn sharciga iyo xeer-hoosaadka Baarlamaanka.
Xildhibaan Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib ayaa waxa uu dhowr jeer barta uu ku leeyahay X ku daabacay warbixino ay u badan yihiin eedeymo kul kulul uu ujeedinayo Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka.
Waxaad Halkaan hoose aad ka akhrisan kartaan Magacyada xildhibaanada ka hor-yimid go’aankan.