Inkabadan Labo Kun oo ruux oo ku dhimatay Dhulgariir ka dhacay Turkiga iyo Siiriya
Feb. 06 (Jowhar.com)- xoog leh oo ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Siiriya ayaa waxaa ku dhintey inkabadan 2,200 oo qof, kumanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dhulgariirku uu dhulka la simay guryo dabaqyo ah iyadoo burbur badan ay ku soo korortay magaalooyinka ku yaal dalka Suuriya oo ay horay u burburiyeen dagaalo.
Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 7.8, ayaa dhacay ka hor inta aysan qorraxdu soo bixin, xilli cimilo jiilaal ah oo aad u qaraar, wuxuuna ahaa kii ugu xumaa ee qarnigan ku dhuftay Turkiga.
Sidoo kale gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa dhul gariir kale oo weyn oo cabirkiisu ahaa 7.7 uu ku dhuftay dalka Turkiga.
Ilaa hadda ma cadda inta uu la egyahay khasaaraha uu geystay dhul gariirkii labaad, kaasoo sida kii hore laga dareemay guud ahaan gobolka, isla markaana ay halis geliyeen samatabixiyeyaal la tacaalaya sidii ay khasaare uga soo saari lahaayeen burburka.
Dalka Turkiga, dhimashadu waxay maraysaa 1,498, sida ay sheegtay hay’adda musiibada u qaabilsan halka ugu yaraan 716 qof ay ku dhinteen dalka Suuriya, sida lagu sheegay tirokoobyada xukuumadda Dimishiq iyo Qaramada Midoobay.
Adeegga internetka oo liita iyo burburka waddooyinka u dhexeeya qaar ka mid ah magaalooyinka ugu daran ee koonfurta Turkiga, oo ay ku nool yihiin malaayiin qof, ayaa caqabad ku noqday dadaallada lagu qiimeynayo waxna looga qabanayo saameynta.
Madaxweyne Tayyib Erdogan oo isku diyaarinaya doorasho adag oo dhici doonta bisha May ayaa ku tilmaamay musiibo taariikhi ah iyo dhulgariirkii ugu xumaa ee ku dhuftay Turkiga tan iyo 1939-kii, balse waxa uu sheegay in mas’uuliyiintu ay sameynayaan wixii karaankooda ah.
“Qof kastaa wuxuu qalbigiisa iyo naftiisa gelinayaa dadaal inkastoo xilliga jiilaalka, cimilada qabow iyo dhulgariirku dhacaya inta lagu jiro habeenkii ay arrimuhu sii adkeeyaan,” ayuu yiri Erdogan.
Dalka Suuriya oo ay horay u burburiyeen in ka badan 11 sano oo dagaal sokeeye ah, ayay wasaaradda caafimaadka dalkaas ay sheegtay in 461 qof ay ku dhinteen in ka badan 1,326 ay ku dhaawacmeen.
Dhanka waqooyi galbeed ee ay gacanta ku hayaan fallaagada Suuriya, afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in 255 qof ay ku dhinteen.