Israa’iil oo duqeysay caasimada Lubnaan ee Beirut

Jul 30 (Jowhar.com) Duqeyn ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Beyruut ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo dumar ah, dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay warbaahinta Lubnaan.

Wakaalada wararka ee dalka Lubnaan ee NNA ayaa ku warantay in weerarkaasi ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah oo riday saddex gantaal.

Mas’uuliyadda duqeyntan ayaa waxaa sheegtay Israa’iil,iyadoo ay ku tilmaantay weerarkan lagu diley taliyaha Hezbollah oo ay sheegeen in uu mas’uul ka ahaa weerarkii Sabtidii la soo dhaafay ee Majdal Shams.

Xiisaddii u dambeysay ee ururka Xisbullah iyo Israa’iil ayaa timid kadib markii Israa’iil ay ku eedeysay Xisbullah inay mas’uul ka ahayd weerar gantaal oo ay ku dhinteen 12 carruur ah oo ka dhacay buuraha Golan ee ay Israa’iil xoogga ku haysato Axaddii.Hase yeeshee Xisbullah ayaa beeniyay mas’uuliyadda weerarka.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More